4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in la soo afjarayo khilaafkii udhexeeyay isaga iyo dowladda federalka
 

Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safar uu ku joogay Galmudug isagoo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in dowladda federalka ay ka wada hadleen khilaafka ka dhexjiray Ddwladda iyo Jubbaland isla markaana la is tusay in xal waara laga gaaro kala aragti duwanaanta iyo in la dhamayn doono xaalada ka jirta Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe wuxuu ugu baaqay shacabka Gedo in ay ku gacan siiyaan masuuliyiintooda loo xilsaaray arrinta Gedo isla markana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa.

Khilaafka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah ayuu Axmed Madoobe sheegay in laga shaqaynayo sidii xal looga gaari lahaa kahor shirka Dhuusomareeb ee soo socda isla markana farsamo ahaan la bilaabay sidii looso afjari lahaa khilaafka mudada soo jiray.

Madaxdii kala duwanayd ee kulanka Dhuusomareeb ka qaybgashay ayuu uga mahad celiyay sida ay uga go’nayd in la helo hanaan cusub oo dib loogu bilaabi karo shirarka noocan oo kale ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]