4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Xaflad lagusoo dhoweynayay maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah oo Muqdisho lagu qabtay


Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen dhalinyaro aqoonyahanno ah oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana lagusoo dhoweynayay maareeyaha cusub ee hay’adda duulista rayidka ah Axmed Macallin Xasan oo dhowaan xilkaas loo magacaabay.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb-galay aqoonyahanno, siyaasiyiin , mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Ugu horreyn waxaa hadal dar-daaran iyo dhiirri-gelin u badan kasoo jeediyay madashii soo dhoweynta  aheyd Guddoomiyaha Dhalinyarada aqoonyahannada ahaa ee soo qaban-qaabiyay xafladda Cabdixakiin Faarax Kooshin. Waxa uuna mas’uulka lasoo dhoweynayay uu kula dardaarmay in xilkaas uu uga soo dhalaalo, sidii loogu aaminay.

Dhinaca kale Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo iyagana xafladda ka hadlay  ayaa waxay dhammaantood u muujinyeen Axmed Macallin soo dhoweyn .

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Xasan ayaa waxaa dhowaan loo magacaabay xilkaas, isagoo muddo ku dhow laba sano si ku meel gaar ah uga shaqeynayay maareynta hay’addaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]