4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Taiwan oo deeq waxbarasho siinaysa ardayda Somaliland
 

Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Taiwan ayaa bilaabi doonta inay siiso deeqo waxbarasho ardayda Somaliland ee ka qalin jabiya jaamacadaha sanadka soo socda.

Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland ayaa sheegtay in deeqdan waxbarasho ay bilaabmi doonto sannadka soo socda isla markaana codsiyada la gudbin karo laga bilaabo bisha Sebtember ee sannadkan.

Deeqda waxbarasho ayaa lagu bixin doonaa qaybaha injineernimada, Kalluumeysiga. maareynta badda iyo Caafimaadka.

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa kulan la qaadatay safiirka cusub ee Taiwan u magacowday Lou Chen-Hwa.

Taiwan iyo Somaliland waxay ku dhawaaqeen xiriir laba geesood ah 1-dii July waxayna magacaabeen wakiillo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]