4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya oo beeniyay in shilkii diyaaraddii Beledweyne uu sababay dameer
 

Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Mas’uulkii labaad oo Soomaali ah ayaa isbuuc gudahii mar kale beeniyay warar ay qoreen  Wargeysyada dalka Kenya oo la xiriira in diyaaraddii xamuulka aheyd oo 14-kii bishaan ku bur-burtay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne uu sababay dameer soo galay waddadii ay ku carari laheyd .

Wargeyska ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ee hoostaga shirkadda warbaahinta Nation ee Business Daily  ayaa mar kale jimcadii maanta daabacay in dameer daaqayay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan uu sabab u ahaa iney bur burto diyaaraddaas.

Qoraaga sheekada ayaa waxa uu sidoo kale uu qoray xog hor-u-dhac ah oo uu sheegay inuu ka helay hay’adda duulista rayidka ah oo la xiriirta baaritaannadii lagu sameeyay sababaha keenay bur-burka diyaaradda.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Xasan oo la hadlay Hiiraan Online ayaa beeniyay warka ah in shilka diyaaradda uu sabab u ahaa dameer daaqayay dhabbaha diyaaradaha  ee garoonka ugaas Khaliif.

 “Ma garan karo halka xogtaasi uu ka keenay wargeyska Business Daily iyo cidda ay tahay iney ku dhow dahay baaritaannadii la sameeyay, balse waxaan idiin caddeyn karaa in weli baaritaannadii ay socdaan, warbixin la sii daayayna aysan jirin” ayuu maareeye Axmed Macallin sheegay.

Isagoo aan rabin inuu xog badan sii bixiyo ayuu Axmed Macallin Xasan , waxa uu Hiiraan Online mar kale u sheegay inuusan jirin dameer sababay shilka diyaaraddaasi, balse wax kasta lagu ogaan doono markii ay warbixinta la xiriirta baaritaankii la sameeyay lasii daayo.

Isbuucaan gudahiisa ayeey aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu sidoo kale beeniyay, war ay horay warbaahinta Kenya qaar u qoreen oo sheegayay in shilka diyaaradda uu sabab u ahaa dameer.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]