4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 23, 2020
Puntland: Qoysas degaanadoodii uga bakaracay ururka Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo 23, 2020 (HOL) - Degaano katirsan gobolka Sanaag ee Puntland ayaa laga barakacay kadib markii kooxda Al-shabaab ay xoog kula wareegeen guryihii iyo dhul beereedkii degaanadaas ku yiilay.

Dadka soo barakacay ayaa warbaahinta  u sheegay in ay 70km safar lug ah ugasoo hayaameen dhulkoodii, iyagoo sheegay in guryahoodii la gubay beerahoodiina lagala wareegay.

Waxay sidoo kale tilmaameen Alshabaab in ay afduubeen odayaashii degaanka islamarkaana u geysteen jirdil.

“Anagu haddaanahay shacabka Calmadow ku nool, Al-shabaab waxay naga dumiyeen nolashadaydii aas aasiga ahayd, waxay rasaas la dhaceen guryaheennii, waxay la wareegeen beeraheennii, waxayna afduubteen odayaashii ugu sareeyay degaanka" ayuu yidhi mid kamid ah odayaasha.

Lama oga ujeedada ka dambeysa arintan, hase yeeshee masuuliyiin katirsan Puntland oo kormeer ugu tagay dadkan waxay sheegeen in maamulku qaadidoono tallaabo Al-shabaab looga saarayo dhulka ay kasoo baracakiyeen dadka degaanka.

Buuraha Calmadow ee kuyaala gobolka Sanaag waxay hoy iyo saldhig u tahay ururka Al-shabaab. Ciidamada Puntland ayaa halkaas marar badan dagaal ku qaadday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]