4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 22, 2020
Taliska Africom oo ka hadlay duqayn uu la beegsaday Daacishta ku sugan Puntland
 

Arbaco, Luulyo 22, 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa duqeymo xagga cirka ah ku beegsaday xubno katirsan kooxda ISIS-Soomaaliya oo xarumo ku leh meelo u dhow tuulada Timirshe ee gobolka Bari Puntland- Soomaaliya.

Weerarkan xaga cirka ah ayaa lagu dilay toddobo kamid ah ISIS, mana jirto wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Africom.

Markii duqeyntan cirka ay dhacday, ciidamada Mareykanka waxay ku sugnaayeen aagga si ay u caawiyaan ciidamada Puntland. Puntland iyadu waxay sheegtay inay dishay 20 kamid ah dagaalamayaasha Daacish.

Taliska Mareykanka wuxuu sheegay inuu sii wadidoono taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya isagoo xoojinaya ciidamadiisa amniga isla markaana sare u qaadaya xasilloonida.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]