4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2020
Puntland oo sheegtay inay dishay 20 kamid ah kooxda Daacish oo uu ku jiro sarkaal ajnabi ah


Arbaco, Luulyo 22, 2020 (HOL) - Ciidamada nabad sugida Puntland ayaa sheegay howlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal miskaat ee gobolka Bari in ay ku dileen tiro ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ay ku jiraan Ajnabi.

Qoraal kasoo baxay taliska ciiddanka ayaa lagu sheegay in dadka la dilay uu ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale.

Dhanka kale, waxay sheegeen ciidanku in ay gubeen kayd weyn oo ay lahaayeen Daacish dhigana jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u faro badan, daawo, rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

Taliska ciddanka PSF wuxuu sheegay intii hawlgalkani uu socday in aysan jirin wax khasaare nafeed ama hantiyeed oo ka soo gaaray ciidamada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]