4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 22, 2020
Uganda oo Soomaaliya usoo diraysa diyaarado dagaal oo qeyb ka qaadanaya howlgallada Al-shabaab
 

Arbaco, Luulyo 22, 2020 (HOL) - Uganda ayaa u soo diyaarisay Helicoptaro ka howlgala Soomaaliya si ay uga hoos shaqeeyaan AMISOM loona xoojiyo howlgalada milatari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida uu qoray The Nile Post.

Taliyaha ciiddanka difaaca Uganda Gen. David Muhoozi ayaa sheegay in jiritaanka quwadda hawadu ay siin doonto inay kala firdhiyaan waxay ugu yeereen  cadowga Soomaaliya.

Uganda ayaa markii ugu dambeysay oo ay diyaarado dagaal u dirto Soomaaliya waxay ahayd sanadkii 2012 laakiin sedexdii diyaaradood ee la diray ayaa ku burburay hawada Kenya waxaana ku dhintey 7 askari.

Taliyaha Ciidamada Cirka, Lt Gen Charles Lwanga Lutaaya wuxuu sheegay howlgalka cirka inuu ku saleysan yahay Isfaham Saddex geesood ah oo dhexmaray Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Uganda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]