4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 22, 2020
Galmudug oo beenisay in la isku mari la'yahay shirka Dhuusomareeb
 

Arbaco, Luulyo 22, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur gacal, ayaa beeniyay in ay jiraan qodobo la isku mari waayay shirka Dhuusomareeb uga socda madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta la filayo in war murtiyeed uu kasoo baxo shirka oo intiisa badan looga hadlayo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho la isku waafaqsan yahay.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in la isku raacay dhismaha guddi ka kooban dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo sii ambaqaadidoono wada xaajoodka arrimaha doorashooyinka.

Waxaa lagu wadaa in dhinacyadu isku raacaan shir kale oo ka dhicidoona magaalada Muqdisho oo arrimaha doorashada looga go’aan gaaridoono.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]