4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 21, 2020
Puntland oo Muqdisho u qaadday Askar ay waxyeelo kasoo gaartay cunto loogu daray quraarad la shiiday
 

Talaado, Luulyo 21, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta Muqdisho xaalad caafimaad awgeed ugu qaaday 4 askari oo ay waxyeelo kasoo gaartay cunto loogu daray quraarad la shiiday.

Askartaan ayaa xilliga uu falkaan dhacayay waxay howlo nabadeen ah u joogeen degaano katirsan gobolka Sanaag, oo dhowaan ay ku dagaalameen beelo walaalo ah.

Xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland oo lagu magacaabo Axmed Kuluc, ayaa saxaafada gudaha u sheegay inay askartu islamarkiiba ku xanuunsadeen cuntada.

Kadib baaritaan lagu sameeyay haraadiga cuntada loo geeyay askarta ayaa lagu ogaaday ama laga helay nuuc kamid ah quraarada oo la shiiday.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in askarta oo labo kamid ah xaalladoodu ay liidato loo qaaday isbitaalka Turkiga ee kuyaala magaalada Muqdisho, haddii wax looga garan waayana loo gudbindoono dalka dibadiisa.

Lama oga sababta ka dambeysa arrintan, balse, Puntland ayaa xirtay shaqaalihii ka howlgalayay goobta ay askarta ka cuntaynayeen, iyagoo lagu wado baaritaan ku aadan cida ka dambeysa falkaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]