4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 21, 2020
Madaxweynaha Somaliland oo tababar usoo xiray ciidamo katirsan booliiska Somaliland


Talaado, Luulyo 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii 32-aad oo ah ciidamo Booliis ah oo ka qalin-jebiyay dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.

Madaxweyne Muuse Biixi  Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey ciidamada cusub ee uu tababarku usoo dhammaaday, waxana uu si hufan uga sheekeeyey muhiimadda ay ciidamadu leeyihiin iyo shaqooyinka halbawlaha ah ee ay bulshada u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidamada maanta dhammaystay tababarka, isaga oo ku adkeeyey inay waqtigooda ugu badan geliyaan sidii ay midaynta iyo wada-jirka bulshada uga shaqayn lahaayeen.

“Tababarkiinna waxaan idiinku darayaa waa inaad noqotaan tabliiqiyiin, dal jecel oo dadka mideeya oo is oggolaysiiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu abaal-marinno guddoonsiiyey xubnihii kaalmaha hore ka galay, Akhlaaq wanaagga, shiishka, tababarka iyo waxbarashada muddadii ay dufcaddaasi ku jirtey tababarka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]