4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2020
Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in 17 qof lagasoo badbaadiyay guri qadiimi ah oo kusoo dumay
 

Isniin, Luulyo 20, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Finish, ayaa shaaciyay in 17 qof oo shacab ah lagasoo badbaadiyay guri saddex dabaq ah oo kusoo dumay.

Guriga dumay oo ku yaala degmada Xamar Weyne, ayaa gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka xaafada oo iskaashanaya waxay ku guulaysteen in ugu dambayn lasoo samatabixiyo dadkii ku jiray gudaha dhismaha kusoo dumay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay in shan qof oo kamid ah dadkaas ay qabaan dhaawacyo fudud, halka inta kalena ay badqabaan dhamaantood.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay goobta wuxuu yidhi,” waxaan idiin sheegaynaa inaan hadda qofkii ugu dambeeyay oo ah haweenay da’ ah aan  kasoo badbaadinaynay dhismaha dumay.”

Cumar Finish ayaa ugu baaqay in laga feejignaado guryaha qadiimiga ah marka la gaaro xilliyada Roobabka ama dabeylaha, taasoo keeni karta inay guryahaas si fudud kusoo dumaan ayna geestaan khasaare xoogan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]