4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2020
Dab xooggan oo baabi’iyay beero ku yaallay Gobolka Mudug
 

Isniin, Luulyo 20, 2020 (HOL) - Sida lagasoo xigtay maamulka deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug ugu yaraan 20 beerood ayaa dab ka kacay tuulada Maraadheere ku gubtay, waxa uuna sheegay in sidoo kale in dabka uu dilay xoola nool balse ma uusan sheegin tiradooda.

Guddoomiyaha deegaanka Wisil oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu intaa ku daray in khasaare xooggan uu dabkaasi dhaliyay.

Waxa uu dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay iney kaalmo bani aaddanimo ay u sameeyaan dadka ay wax-yeellada ay soo gaartay, kuwaas oo horayba ula tiicayay dhaqaala xummo xooggan.

Weli si rasmi ah looma caddeyn waxyaabaha keenay dabkaasi oo saameyn adag u geystay dadka tuuladaasi ku nool.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]