4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2020
Maamulka Gobolka Hiiraan oo beeniyay in shilkii diyaaradda Beledweyne uu sababay dameer
 

Isniin, Luulyo 20, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu beeniyay warar qaar kamid ah warbaahinta ay qoreen oo ku saabsanaa in diyaaraaddii ku bur-burtay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne uu sabab u ahaa Dameer soo galay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan .

Guddoomiye Jeyte ayaa waxa uu tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been abuur aan sal iyo raad toona laheyn, isagoo weriyayaasha kula hadlayay garoonka Beldweyne oo 14-dii, bishan Luuliyo ay ku bur-burtay diyaarada sidday xamuul ay lahaayeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti . waxa uuna intaa ku daray in guud ahaan garoonka uu ku wareegsanyahay Silig adag, suura-galna aysan aheyn in xoolo ay kasoo gudbaan.

“Warka la sheegay ee ah  in garoonka uu Dameer soo galay waa been, diyaaraddu waxay u bur burtay cillad duuliyaha qabsatay, iyo ciid fadhiisatay halka diyaaraduhu ku cararaan” ayuu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u sheegay weriyayaasha .

Waxa uuna intaa ku daray in garoonka Beledweyne ay kasoo degi karaan hadda diyaaradaha yar yar ee xamuulka tanka yar sida , inta laga shaqeynayo dhabbaha diyaaradaha  ku cararaanna, waxaa la joojiyay diyaaradaha culus ee xamuulka badan daabula.

Dhowaan wargeysyada Kenya oo soo xiganayay mas’uuliyiinta shirkadda laheyd diyaaradda ku dhacday garoonka Beledweyne ayaa waxay qoreen in shilka dhacay uu sabab u ahaa dameer soo galay, dhabbaaha diyaaradaha ku ordaan.

Dhinaca kale wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, oo shilkaasi kadib mas’uuliyiinteedu  gaareen magaalada Beledweyne Ayaan illaa iyo hadda soo bandhigin, natiijada baaritaankii  shilkaasi ay ku sameeyeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]