4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2020
Guddoomiye Cumar Filish oo dhowaan u safraya Dhuusamareeb
 

Isniin, Luulyo 20, 2020 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud Cumar "Filish",  oo ka qeyb-galaya shirka lagu wado inuu halkaas ka furmo oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaa shalay Dhuusamareeb gaaray xubno hor-u-dhac u ah wafdigan maanta magaaladaasi aadaya.

Mas'uuliyiinta maamulka Maamulka Gobolka Banaadir ka tirsan ee shalay Dhuusamareeb gaaray waxaa kamid ah agaasimaha guud ee arrimaha bulshada Gobolka Maxamed Axmed Cantoobo.

Dhuusamareeb waxaa hadda ku sugan madaxdii ugu badneyd ee Soomaaliyeed,  waxaana la filayaa in kulamada mas'uuliyiinta sar sare ee dalka iyo madaxda maamullada qeybta ka ah faederaalka ay isla meel dhigaan hannaan doorasho oo looga gudbo xaaladda hadda dalka uu marayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]