4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo wax-garad u istaagay dhammeynta colaad sokeeye oo Galgaduud ka taagneyd


Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Wax-garad, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxay gaareen deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo sokeeye oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Mas’uuliyiintaan ayaa gaaray deegaannada Xananbuure iyo Qalanqaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxayna ka codsadeen dhammaan in dhinacyada walaalaha ay hubka dhigaan oo la isi saamaxo.

Mid kamid ah wax-garadka labada beel ee dagaallamay ayey la kulmeen, waxaana la isla gartay in nabadda lagawada shaqeeyo, sida ay HOL u sheegeen qaar kamid ah wax-garadkaas .

Dhinaca kale waxay la kulmeen taliyayaasha Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in ay wax-garadkaasi kala shaqeeyaan nabadda iyo joojinta colaadda sokeeye ee deegaannadaasi ka jirta.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]