2/19/2025
Today from Hiiraan Online: Somali Ports Minister, Turkish Ambassador discuss port devel...
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo muddo dheer kadib ku kulmay Dhuusomareeb
 

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanakan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dadaalada loogu talagalay in lagu xaliyo khilaafaadka daba dheeraaday ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Labada masuul ayaa si waji furan isku qaabilay ka hor shirka maalinta berrito u furmaya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Axmed madoobe waxay u aqoonsan tahay madaxweyne kumeel gaar ah oo xilka hayndoona muddo labo sano ah si uu jubbaland u gaarsiiyo doorashooyin.

Balse, madaxweyne Axmed madoobe ayaa ka hor yimid go’aankaan isagoo sheegay dowladda federalka in aysan wax awood ah u lahayn inay soo faro galiso doorashadii lagu doortay bishii Aagust, 2019.

Lama oga shirkaan wuxuu ka bedeli karo mowqifka dowladda ka taagan tahay arrimaha Jubbaland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com