4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Puntland oo iska fogeysay in ay kasoo horjeedo in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah
 

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay Puntland in aysan kasoo horjeedin in Soomaaliya ay ka dhacdo doorashooyin dadweyne islamarkaana laga guuro nidaamka 4.5.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay aragtida Puntland in ay tahay, in aan la isku dhex wadi karin nidaamka qabaliga iyo doorasho xor ah, isagoo sheegay tallaabada ugu horeysa ee loo baahan yahay in ay tahay in Soomaali ka guurto in qabiil la isku doorto.

“Daruufta haatan jirta uma eka mid suurtagalinaysa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, maxaa yeelay amni darrada jirta ayaan ogoolaandoonin in si isku mid ah waddanka looga fuliyo doorashadaas,” ayuu yiri Deni.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Dhuusomareeb looga arrinsanayo nuuca doorasho ee Soomaaliya ku haboon muddada u harsan dowladda haatan jirta.

Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa isku raacay in loo baahan yahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, ayna noqoto mid xor iyo xallaal ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]