4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Ciidamada Jubaland oo sheegay iney fashiliyiin weerar ay qorsheynayeen Al-shabaab
 

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Saraakiisha ciidamada ammaanka Jubaland iyo kuwa dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo dhinaca sugidda ammaanka la xiriira ay sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ciidamada Jubaland Aadan Maxamuud Koojaar ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in howl-gal ay ka sameeyeen deegaanno ay kamid tahay Buula Xaaji oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula dagaallameen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Waxa uu intaa ku daray iney garab ka heleen ciidamada militiriga Soomaaliya ee ka howl-gala Jubbooyinka.

Taliye Koojaar ayaa intaa ku daray iney fashiliyeen weerarro Al-shabaab ay soo qorsheynayeen oo ka dhan ahaa Jubaland,  sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiraan war kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga jawaabayaan warka taliyaha ciidamada Jubaland.

Dhowr jeer oo hore ayeey ciidamada Jubaland iyo kuwa Al-shabaab ku dagaallameen miyiga gobollada Jubbooyinka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]