4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2020
Diyaar garow xooggan oo la xiriira shirka Dhuusamareeb oo ka soconaya magaaladaas
 

Axad, Luulyo 19, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka soconaya diyaar garowgii ugu dembeeyay ee loogu jiro qabanqaabada shirka madaxda dowladda iyo hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka ay ku yeelanayaan magaaladaasi.

Amniga Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,  waxaana meel walba la dhigay ciidamo feejigan.

Mas'uuliyiinta maamul Galmudug ayaa ku dadaalaya sidii shirkaasi uu u noqon lahaa mid mira dhal wanaagsan uu ka yimaado.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay raadiyaha Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu tilmaamay in maamulka Galmudug ay ka go'antahay in shirkaasi uu guuleysto.

Madaxda dowladda iyo hoggaamiyayaasha maamullada qeybta ka ah federaalka ayaa Dhuusamareeb ku jaangoyn doona waxyaabo badan oo ay kamid tahay hannaanka ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]