4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo lagusoo dhoweeyay magaalada Dhuusomareeb


Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee ku sugan Dhuusomareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomin doona shirka Wadatashiga Heer Federaal  iyo Heer Dowlad Goboleed oo ka furmaya Dhuusomareeb.

Shirkan ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinasanayaan qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed, waxgaradka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]