4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Muqdisho: 100 weriye oo loo tababaray soo tebinta Xad-gudubyada Jinsiga


Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Si loo ciribtiro Rabshadaha Jinsiga Boqol  wariyeyaal Rag iyo Dumar ah oo ka tirsan warbaahinta Muqdisho ayaa ka qeyb-qaatay tababar saddex maalmood socday oo lagu baranayay tebinta xad-gudubyada Jinsiga, si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada ee xadgudubka jinsiga.

Tababarka, oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Ururka Qaranka ee Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) oo kaashanaysa Hay'adda Qaramada Midoobay ee UNFPA, ayaa loogu talagalay in lagu dhiso xirfadaha iyo aqoonta suxufiyiinta maxalliga ah.

Deq Sulieman Yusuf, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa walaac culus ka muujiyey tirada sii kordheysa ee kiisaska Jinsiga ee dalka ka jira wuxuuna ku boorriyay warbaahinta inay ku dadaallaan abuurida wacyigelinta dhaqankan si meesha looga saaro, isagoo  ku celceliyay in warbaahinta ay tahay mida ugu muhiimsan is dhexgalka bulshada.

Yuusuf  wuxuu xusuusiyay suxufiyiinta doorka ay ku yeelan karaan joojinta xadgudubyada jinsiga ee dalka ka dhaca, wuxuu usoo jeediyay inay ka taxadaraan sida ay u isticmaalaan ereyada markay ku wargelinayaan dadweynaha.

"In kasta oo eedeysanayaashu ay waajib tahay in la magacaabo , suxufiyiintu waa inay isku dayaan inay helaan xaqiiqda kiiska ka hor inta aan la soo sheegin." ayuu raaciyay.

Xog-hayaha Guud ee NUSOJ,Cumar Faaruuq Cusmaan wuxuu sheegay in suxufiyiintu ay leeyihiin door ay ka ciyaarayaan soo gudbinta warbixin wanaagsan oo dheelitiran, wuxuuna caddeeyay xilligan dadaallada ugu badan inay galinayeen waycigelinta falalka guracan ee xadgudubyada jinsiga.

"Saxafiyiinta waa inay ku hoggaamiyaan ololahan waycigelin , si loo ciribtiro dhaqankaa sababtoo ah shaqada warbaahintu waxay dadka ka leexisa falalka noocaan ah ee aan marna la aqbali karin ee lagula kaco Dumarka." ayuu yiri.

Faaruuq wuxuu rajo ka muujiyay in suxufiyiinta tababarka kaddib ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan dadaallada ciribtirka xad-gudubka jinsiga.

Ka qeyb-galayaasha tababarkan ayaa sheegay in tababarka uu ahaa mid waqtigii loogu tala galay ku soo aadday, xilli si isdaba joog ah ay u dhacayaan xadgudubka ka dhanka Haweenka. Tababarka, oo ah kii ugu horreeyay ee tababarro taxane ah, ayaa waxaa fududeeyay rug-caddaagii hore ee BBC-da Yuusuf Xasan Isaaq.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]