4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u safray magaalada Dhuusomareeb
 

Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa u amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi uga qeybgalaya shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wadashaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee dalka kusoo foolleh.

Dhuusomareeb waxaa ku sugan raysal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Maalinta berrito ah ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo aad looga war sugayo natiijada kasoo baxda shirkaas oo go’aamindoonto nuuca doorashada Soomaaliya.

Guddiga qaran ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Dhuusomareeb. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]