4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Kenya oo koox baarayaal ah usoo dirtay Soomaaliya kadib shilkii diyaaradeed ee Baladweyne

Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Baarayaal ka socda dowladda Kenya ayaa tagay Soomaaliya si ay u baaraan sababta ka dambeysay shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Agaasimaha ahna madaxa baaraha Shilalka Diyaaraddaha ee dalka Kenya, Martyn Lunani, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka heleen codsi ku aadan in laga caawiyo baaritaanka shilka diyaaradeed.

Mr Martyn Lunani wuxuu sheegay in kooxdiisu ay booqan doonaan goobta shilku ka dhacay, si ay macluumaad dheeraad ah uga helaan burburka diyaarada.

Diyaaradda shilka gashay oo ka diiwaan gashan Kenya oo ay maamusho shirkadda Blue Bird Aviation', waxay qandaraas la gashay UN-ka si ay u gaarsiiso cuntada iyo sahayda kale ee bini'aadanimo magaalada Beledwyene ee Bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradda oo ah Fokker ay la soo degtay alaabo kala timid Magaalada Jabuuti. Laakiin markii ay usoo dhowaatay marinka garoonka diyaaradaha ee Baladweyne ay la kulantay dhibaatooyin farsamo.

Kooxda baarayaasha ah ee Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan shilalka ay hawada Soomaaliya ku galayaan diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee ka diiwaan gashan Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]