4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 18, 2020
Ciidanka nabad sugida Jubbaland oo sheegay inay qabteen rag Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta qaraxyada


Sabti, Luulyo 18, 2020 (HOL) - Ciidanka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay in ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay kooxda Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan agaa suuqa sariiraha.

Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen  Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo ay sheegeen inay Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba.

Waxay hay’adda nabad sugidu sheegtay inay raggaani qirteen in ayagoo hawsha Gacanta kula jira lasoo qabtay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]