4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2020
Jabuuti oo berri fureysa duulimaadyadii Caalamiga ahaa
 

Jimco, Luulyo 17, 2020 (HOL) - Wasiirka gaadiidka Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Muuse Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dalkiisa uu berri furayo duulimaadyadii caalamiga ahaa ee uu waddankaasi joojiyay 18-kii Maarso,2020-ka, sababo la xiriira faafitaanka xanuunka COVID-19.

Waxa uu intaa ku daray in muddada ay hakiyeen duulimaadyada ay Jabuuti la kulantay dhaqaale caajis xooggan, isagoo xaqiijiyay in hadda markii ay dib u furan duulimaadyada ay rajeynayaan iney kasoo kabtaan dhaqaalaha hoos u dhacay.

Dalka Jabuuti oo ku yaalla geeska bari ee qaaradda Afrika, ayaa  dadkiis aad u yaryihiin. Waxa uuna kamid yahay meelaha sida aadka ah uu xanuunka Coronavirus looga arkay,  dad bandanna wuu soo ritay.

Wasiir Maxamed Muuse Axmed waxa uu tilmaamay iney sidoo kale garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Djibouti ay ka sameyn doonaan goob dadka imaanaya looga baaro xanuunkaas.

Waddankaan oo ay ku yaallaan saldhigyada ciidamada dhowr dal, wuxuu dhacaa joqoraafi ahaan meel istitiraatiiji ah . laakiin hoos u dhaca dhaqaale ee uu sababay COVID-19, wuxuu sababay in badi bulshada oo aan dhaqaale fiican aysan uu ku yeesho saameyn lixaad leh.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]