4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2020
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo dadka dalka ka dhoofaya ku amartay iney iska baaraan Sheybaarka qaranka
 

Jimco, Luulyo 17, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay soo saartay amar ah , in shkahsiga ka dhoofaya dalka uu warqadda cadeyneysa baaristiisa caafimaad ee COVID-19, ka qaadan karo sheybaarka qaranka oo keliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda oo ah mid qoraal ah ayaa lagu sheegay in aan la aqbali doonin , wax shahaaddo kale ah oo laga soo qaatay xarun kale oo caafimaad.

Sidoo kale, warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu qeexay, in la diyaariyay hannaan Online ah oo lagu hubin doono warqadaha qofka dhoofayo uu wato ee muujinaya baaristiisa caafimaad ee COVID-19.

Waxa uu iska baari karaa qofka doonaya inuu safro keliya Cisbitaallada Banaadir iyo De Martino ee magaalada Muqdisho.

Warkaan ayaa waxa uu kasoo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya, xilli weli Soomaaliya ay xanibanyihiin duullimaadyadii caalamiga ahaa .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]