4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2020
Burcad badeeddii ugu badneyd oo ka dillaacay xeebaha galbeedka Afrika
   

Jimco, Luulyo 17, 2020 (HOL) - Xeebaha ku yaalla waddamada galbeedka Afrika ayaa waxaa kordhaya khatarta ay kala kulmayaan maraakiibta iyo doomaha ganacsiga ee isticmaala, kadib markii ay aad u bateen burcad badeedda halkaasi qafaalka ka geysata . sida laga soo xigtay Ururka la socda arrimaha badaha ee IMB loo yaqaanno.

Boqolkiiba sagaashan (90%) kooxaha wax ka Af-duubayaasha ah ee Gobolka ayaa aad u kordhay.

Saddexdii bilood ee u dembeysay ayaa waxay qafaasheen 32 shaqaale ah xilli ay doomaha iyo maraakiibta ay saarnaayeen ay ku gooshayeen gacanka Guinea

Badi maraakiibta weerarrada Af-duubka ah la kulmay ayaa gooshayay biyaha ka fog xeebaha 20 illa 130 mile , sida ay IMB sheegtay .

Kooxahaan Jirri badeedda ah ayaa ugaarsada doomaha iyo maraakiibta sida shixnada ganacsiga . waxayna buracaddu ku hubeysanyihiin mindiyo, baangado iyo hubka ah qoryaha fudud sida xogta la helay ay sheegeyso.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]