4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 17, 2020
Dalka Gabon oo markii ugu horeysay yeeshay haweeney ra’iisul wasaare ah
    

Jimco, Luulyo 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Gabon Ali Bongo ayaa waxa uu Christiane Ossouka Raponda u magacaabay ra’iisul wasaaraha waddankaas . waana haweeneydii ugu horreysay oo hoggaamiso gole xukuumadeed dal ku yaalla galbeedka Afrika.

Gabadhan oo 56 jir ah ayaa bedeli doonta Juien Nkoghe Bekele oo booskaan soo hayay 18-kii bilood ee u dembeeyay.

 “Mudnaanta koowaad ee hortaalla ra’iisul wasaaraha cudub ee Gabon ayaa dib u hagaajinta dhaqaalaha waddanka, iyo iney sii laba-laabto kaalmada ay u baahanyihiin shacabka dalkaasi arrimaha la xiriira xaaladda ka dhalatay COVID-19 awgeed”, waxaa sidaasi lagu qoray wargeyska La Libreville

Marwo Raponda ayaa waxay horay usoo noqotay duqa caasimadda dalkaasi ee Libreville, waxayna sidoo kale soo qabatay wasiirka gaashaan-dhigga Gabon lagasoo billaabo bshii Febaraayo,2019-kii. Wixii ka dembeeyay markii uu dhicisoobay Af-gembigii lala damacsanaa madaxweyne Bongo, xilligaas oo lagu daweynayay Marocco, kadib markii uu ku dhacay xanuunka dhiig karka, oo fadhiisiyay xubno kamid ah jirkiisa.

Madaxweyne Bongo Ayaan todobaadyo lagu arkin maalmihii dembe fagaarayaasha , waxaana loo maleynayaa inuu u safri doono dibadda, si uu mar kale u helo daweyn .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]