4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Dowladda Soomaaliya oo si ku meel gaar ah u xirtay garoonka Diyaaradaha Baledweyne
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u xirtay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladda Baledweyne.

Amarka xiritaanka garoonka ayaa yimid kadib markii maalin ka hor ay ku burburtay gudaha garoonka Ugaas Khaliif diyaarad nooca xamuulka qaada ah.

Wasiirka wassaaradda Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo hogaaminayay wafti xaqiiqo raadin ahaa oo shalay soo gaaray magaalada Baledweyne ayaa garoonka diyaaradaha kula kulmay Sarakiisha Ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha Baledweyne.

Agaasimaha Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo ka mid ahaa wafdiga Wasiir Oomaar ayaa ku dhawaaqay in garoonka Ugaas Khaliif si ku meel gaar ah u sii xirnaan doono inta laga xaqiijinayo baaritaanka lagu sameynayo waxa sababta u ahaa in diyaaradii Xamuulka aheyd ay ku burburto garoonka dhexdiisa.

Ugu dambeyntii Duuliyahii Diyaaraddii ku burburtay Baledweyne ayaa isagu sheegay in burburka diyaarada uu sabab u ahaa Dameer taaso aad u hadal hayaan shacabka reer baledweyne iyo Soomaalida inteeda kale.

Hiiraan Online News Disk