4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo tagay Garowe si uu uga qeyb galo aaska raysal wasaare Xasan Abshir Faarax


Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd ka dagay garoonka diayaradaha ee Garowe, waxaana safarka ku wehliya madaxweynayaasha Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

Raysal Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya aas qaran oo magaalada Garowe loogu sameynayo allaha unaxariistee raysal wasaarihii hore ee dowladdii Soomaaliyeed ee lagu dhisay Carta, Xasan Abshir Faarax.

Maydka marxuumka oo lagasoo qaaday magaalada Muqdisho ayaa laga sugayaa inay diyaarada sidda Garowe soo cago dhigato goor dhow.

Raysal Wasaaraha iyo wafdigiisa iyo madaxweynaha Puntland waxay aaska kadib ku laabandoonaan magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo berrito hadduu alle idmo ka furmayo shirka dowlad goboleedyada iyo dowladda federalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]