4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Maydka raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo Muqdisho laga dajiyay


Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday maydka alle ha u naxariistee Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goordhaw ka dagtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka waxaa ku sugan guddiga qaban qaabada Aaska Qaran ee loo sameynayo marxuumka.

Madaxda Qaranka ayaa ku tukan doonta salaada Janaasada ka dibna waxaa loo qaadi doonaa magaalada Garooowe halkaas oo lagu aasi doono hadii allaah idno.

Waxaa Garowe aaskiisa kaga qeybgalidoona madax kala duwan oo ka socda Puntland, dowlad goboleedyada iyo dowladda federalka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]