4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Sanbaloolshe “ madaxweyne Farmaajo waa nin meeshii uu ku dhego aan ka fuqin, doorasho qof iyo cod ahna xilligaan ma dhici karto”
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan, muhiimadda uu u leeyahay xaaladda kala guurka ah shirka la filayo iney dhowaan magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada ee waddanka.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siinayay telefashinka Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu ka walaacsanyahay in madaxweynaha uusan daacad ka noqon ahdaafta shirkaasi loo qabanayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa muhiim ah in shirkaasi iyo fursadda ku jirtaba looga faa’ideysto si wanaagsan, laakiin waxaan ognahay in madaxweyne Farmaajo meeshii uu ku dhagaba uusan ka fuqin” ayuu wareysigaasi ku yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Isagoo intaa ku daray in hadda aysan u muuqan in Soomaaliya la aadi karayo xilligaan doorasho qof iyo cod ah , taas oo ay ka gaabisay dowladda hadda joogto , sida uu ku sheegay wareysigii uu bixiyay.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday maqaal uu dhowaan ku qoray qaar kamid ah wargeysyada , isagoo ka jawaabay su’aal la hordhigay oo ku saabsaneyd waxyaabaha ku qasbay inuu dhaleeceeyo madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir . waxa uuna sheegay in arrimaha uu qoraalkaasi u sameeyay ay tahay isku milanka hay’addaasi iyo xafiisyada siyaasadda waddanka.

Sanbalooshe oo laba jeer agaasime kasoo noqday hay’adda NISA ayaa waxa uu sanadihii u dembeeyay kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]