4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Ra’iisul wasaaraha dowladda Tunusia Elyes Fakhfakh oo si-casilay
 

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha waddanka Tunisia Elyes Fakhfakh ayaa  is-casilay sida lagasoo xigtay laba mas’uul oo sar-sare oo ka tirsan dowladda, islamarkaana diiday in warbaahinta ay magacyadooda isticmaasho. Waayadii dembe waxay aragti ahaan kala duwanaayeen xisbiga talada dalkaasi haya ee Ennahdha

Fakhfakh waxay wararku sheegayeen iney ku socdeen baaritaanno la xiriira aragtida uu ka aaminsanyahay mabaadii’da Ennahdha, oo kuraasta ugu badan ee Baarlamanka waddankaasi ku fadhiya, tan iyo wixii ka dembeeyay doorashadii bishii October ee sanadkii tegay.

Dhaq-dhaqaaqa isku bedalay xisbul xaakimka Tunisia ee Ennahdha ayaa waxay xildhibaannadooda qorsheynayeen mooshin xil ka xayuubin ah oo ka dhan ah ra’iisul wasaaraha is-casilay.

Hadda mar kale waxaa madaxweyne Kais Saied hor-yaalla inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub. Xilli dhinacyada kale ee Ennahdha kasoo hor-jeeda ay siyaasadda dowladda kasoo horjeedaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]