4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 16, 2020
Ganacsade saaxiib la ahaa madaxweynihii hore ee Algeria oo xabsi dheer lagu xukumayay
  

Khamiis, Luulyo 16, 2020 (HOL) - Madaxa shirkad Gawaarida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka  ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xarig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika.

Mahdieddine Tahkout waxaa lagusoo eedeeyay in isagoo adeegsanaya awoodda dowladda uu shirkaddiisa ku sameeyay maal-gelin lixaad leh , lacagta loo adeegsadayna laga saaray qasnadda dowladda.

Eedeyntaasi ayaa waxay noqotay mid culus, oo qaanuunka dalkaasi uu dhigayo in dembiyada noocaan ah ay yihiin xad-gudub weyn oo qofkii galo uu wejihi karo ciqaab adag.

Madaxweynahii hore ee waddankaasi ayaa xilka ka degay kadib markii uu waajahay dibad-baxyo culus oo ay dhigeen shacabka waddankaas , iyagoo diidanaa inuu dalkaasi kasii arrimiyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]