4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 15, 2020
AMISOM oo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ka hor istaagtay inuu galo garoonka diyaaradaha Beledweyne
 

Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu sheegay in maanta ay Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne  ka hor istaageen Ciidamada AMISOM , gaar ahaan kuwa Jabuuti, xilli uu doonayay inuu soo dhoweeyo wafdi xaqiiqo raadin ah, oo doonayay iney baaritaan ku sameeyaan sababihii keenay iney bur-burto diyaaraddii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Cali Jeyte Cismaan oo wareysi gaar ah oo khadka taleefanka ah siiyay HOL ayaa waxa uu intaa ku daray, inuu arrintaas u gudbiyay maamulka sare ee Hirshabeelle iyo madaxda sare ee ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ” AMISOM”.

“Sida uu qorshuhu ahaa waxaan rabnay ka maamul ahaan inaan soo dhoweyno wafdiga uu hoggaaminayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah Axmed Macallin ,oo labadaba u yimid Beledweyne iney baaritaan ku sameeyaan sababaha keenay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay garoonka Beledweyne “ ayuu Guddoomiye Cali Jeyte u sheegay Hiiraan Online.

“Waxaa nasiib-darro aheyd iney aniga iyo mas’uuliyiintii kale ee ila socotay iyo weliba ilaaladeydii ay Ciidamadaasi diidaan inaan gudubno oo aan galno Airpor-ka” ayuu mar kale sheegay guddoomiye Jeyte.

Inkastoo goor sii horreysay mas’uuliyiinta wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ay sheegeen iney la kulmi doonaan maamulka Gobolka Hiiraan, haddana lama oga waxyaabaha qasbay in guddoomiyaha laga hor-istaago inuu garoonka galo.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay Ciidamada AMISOM oo ku aaddan falkaasi maanta dhacay .

Dhinaca kale Hiiraan Online isku dayo xiriirro ah oo la sameysay madaxda ciidamada Jabuuti ayaa innoo suura-galin inaan helno.

Diyaaradda shilka ku gashay garoonka magaalada Beledweyne ayaa waxaa laga leeyahay Waddanka Kenya, waana nooca xamuulka qaada. Waxaana rarka ay wadday kasoo baxayay warar is khilaafsan.

Ila-wareedyada ku sugan maagalada Beledweyne ayaa HOL u xaqiijiyay iney sidday sahay ciidan oo ay Jabuutiyaanku leeyihiin, halka xoga kale ay tilmaamayaan iney wadday gar-gaar. Lama oga halka khilaafka maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti u dhexeya uu gaari karo, waxaana la’ eegayaa sida Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo AMISOM  arrintaan xal uga gaaraan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]