4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 15, 2020
Faafaahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa weerar Al-shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan
 

Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Al-shabaab ayaa waxay xalay hoobiyayaal ku garaaceen deegaanka Halgan oo hoos yimaada degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare maaliyadeed oo ka dhashay weerarkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan oo u warramay Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxa uuna sheegay inuu jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeybta Al-shabaab ay u adeegsadeen hoobiyayaasha.

“Weerarka waxaa loo adeegsaday hoobiyayaal, laakiin ma jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay ‘ ayuu VOA-da u sheegay Maxamed Guhaad Cali oo ah Guddoomiyaha deegaanka Halgan.

Wuxuu intaa ku daray in mar walba ay filan kareen weerar uga yimaada Al-shabaab, balse wuxuu tilmaamay ineysan garan Karin jihada uu weerarkaasi uga imaan karay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa deggan Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana dhowr jeer halkaasi ka dhacay weerarro u dhexeeyay Al-shabaab iyo ciidamadaasi.

Waxayna horay shacabka magaaladaasi u xusuustaan mid kamid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa oo loo adeegsado gawaari wax-yaabaha qarxa lagasoo buuxiyay iyo dagaal toos ah oo Saldhig ciidamada Itoobiyaanka ah ku leeyihiin halkaasi lagu qaaday 09, bishii Juun, 2016-kii.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]