4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 15, 2020
Dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku sameyneysa diyaaraddii shalay ku bur burtay Beledweyne
 

Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Dowladda Faredaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay magaalada Beledweyne u direysaa wafdi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan kusoo sameyn doona waxyaabaha keenay diyaaraddii ku bur-burtay shalay  garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne .

Wafigaan ayaa waxaa hoggaamin doona wasiirka gaadiidka yo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa waxa  la qorsheynayaa iney la kulmaan madaxda maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha  AMISOM , gaar ahaan Ciidamada Jabuuti.

Warar laga helay maareeyaha Garoonka diyaaradaha  Beledweyne Kabtan Xuseen Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in bur-burka diyaaraddaasi ay sabab u aheyd Dameer soo galay dhabbihii ay ku ordeysay.

Sidoo kale waxaa soo baxayay warar kale oo ku saabsan xamuulka ay wadday diyaaradda, waxayna qaar kamid ah  Ila-wareedyada ay sheegayaan iney sahay u sidday Ciidamada Jabuuti ee AMISOM, halka warar kale ay iyaguna sheegayaan iney siday gar-gaar bani-aadanimo oo loogu tala-galay shacabkii ay saameysay fatahaadda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]