Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Dowladda Faredaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay magaalada Beledweyne u direysaa wafdi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan kusoo sameyn doona waxyaabaha keenay diyaaraddii ku bur-burtay shalay garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne .
Wafigaan ayaa waxaa hoggaamin doona wasiirka gaadiidka yo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa waxa la qorsheynayaa iney la kulmaan madaxda maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha AMISOM , gaar ahaan Ciidamada Jabuuti.
Warar laga helay maareeyaha Garoonka diyaaradaha Beledweyne Kabtan Xuseen Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in bur-burka diyaaraddaasi ay sabab u aheyd Dameer soo galay dhabbihii ay ku ordeysay.
Sidoo kale waxaa soo baxayay warar kale oo ku saabsan xamuulka ay wadday diyaaradda, waxayna qaar kamid ah Ila-wareedyada ay sheegayaan iney sahay u sidday Ciidamada Jabuuti ee AMISOM, halka warar kale ay iyaguna sheegayaan iney siday gar-gaar bani-aadanimo oo loogu tala-galay shacabkii ay saameysay fatahaadda.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
Barrow@hiiraan.com