4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 15, 2020
Gudoomiye Cali Jeyte: Waa nasiib darro weyn in Baladweyne laga waayo hal dab damis oo lagu damiyo diyaaradii shalay gubatay
 

Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in gobolka Hiiraan laga waayay hal dab damis oo lagu damin lahaa diyaarad maalintii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Diyaaradaan oo gargaar u waday ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa ku basbeeshay garoonka dhexdiida, kadib markii ay soo wajahday cilad ku timid lugaheeda, halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan in shilkeedu uu sabab u ahaa dameer garoonka soo dhex galay.

“ In la waayo dab damis lagu damiyo diyaarada halkaan ku gubanaysa oo xafiiskii Un-ka ugu weynaa gobolada dhexe uu garoonka dhexdiisa kuyaalo lagana waayo dab damis, waa wax aad looga naxo,” ayuu yidhi gudoomiyaha Hiiraan.

Gudoomiye Cali Jeyte wuxuu sheegay haddii  diyaaradaas la socon lahaayeen dad shacab ah inay halkooda ku guban lahaayeen loona weyn lahaa wax lagu badbaadiyo.

Dowladda Soomaaliya ayuu dusha uga tuuray xaaladda bini'aadnimo iyo dayaca ka jira Baladweyne.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]