4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Raysal Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Dhuusomareeb


Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyadoo si wadajir ah ay garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyeen Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada.

Raysal Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya wajiga labaad shirka Dhuusomareeb oo qorshuhu yahay in mowqif isku mid ah looga gaaro arrimaha doorashada iyo xaaladda kala-guurka siyaasadeed.

Waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo isagana uu u safridoono magaalada Dhuusomareeb, kadib markii uu aqbalay cusuumada lagu casuumay shirka Dhuusomareeb oo qodobadii kasoo baxay ay qeyb ka ahaayeen in madaxda dowladda Soomaaliya lagu martiqaado wajiga labaad ee shirka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay gogasha Galmudug taala inay Soomaaliya u jihayndoonto dariiq dalka uu kaga baxayo xaaladda uu haatan marayo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa ilgaar ah ku haya natiijada shirka Dhuusomareeb kasoo baxda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]