4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Maamulka Gobolka Hiiraan oo tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay diyaaradda ku dhacday magaalada Beledweyne
 

Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyay diyaarad sidday gargaar loogu tala-galay dadkii ay saameeyeen fatahaaddii magaalada Beledweyne oo ku dhacday Madaarka Ugaas Khaliif ee duleedka magaalada Beledweyne .

“ma jiraan khasaare dhimasho ah oo maanta ka dhashay shilkii diyaaradeed ee  ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa la soo badbaadiyay 3 ruux oo saarnaa diyaaradda, waa nasiib –darro in maanta garoonka Beledweyne uusan laheyn wax gaadiid dab demis ah, waxaana eeddaas iska leh ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya” ayuu Cali Jeyte Cismaan u sheegay weriyayaasha, isagoo ku sugan halka diyaaraddu ka dhacday.

Dhinaca kale waxaa goobta tegay saraakiisha ciidamada AMISOM, iyadoo dadka rayidka ah laga fogeeyay halka diyaaradda bur burkeeda yaallo.

Shacabka magaalada Beledweyne ayaa dhowr jeer soo jeediyay in la dhiso garoonka diyaaradaha oo muhiim u ah dadka deegaanka, illaa iyo haddana ma jirto jawaab rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda ka bixisay cabashada dadkaasi.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]