4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Diyaarad xamuul ah oo ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne
 

Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Diyaarad xamuul ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ka badbaaday saddex qof oo isugu jiray labadii duuliyayaal iyo engineerkii dayaaradda

Dayaaradaan burburtay ayaa waxaa iska lahaa sharikadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya. Waxayna ka soo kicitintay magaalada Jabuuti. Waxayna siday raashiin sida uu HOL u xaqiijiyey agaasimaha duulista raydka ah Axmed Macalin Xasan. Ilaa iyo hadda ma cadda in xamuulka ay wadday uu  sababay shilkaan.
 
Dayaarad labaad oo sidoo kale ka soo kicitinka dalka Jabuuti oo ay lahaayeen sharikadda Bluebird ayaa u soo gudubtay magaalada Moqdisho ka dib markii ay ku dagi-weysay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beled weyne.

Diyaaradaan oo ah nooca Dash-8 kuna diiwaan-gashan 5Y-VVW ee dalka Kenya ayaa waxay u kireysneyd ciidanka dawladda Mareykanka, waxayna si joogta ah raashiin u keeni jireen ciidamada  AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Sannadkaan Soomaaliya, waxay noqotay sannad ay kusoo badanayaan shilalka diyaaradaha. Shilkaan ka dhacay garoonka magaalada Beled Weyne ayaa noqonaya shilkii afaraad muddu ka yar afar bilood.

Shilkii ugu xumaa wuxuu ka dhacay afartii bishii May, kadib markii lasoo riday diyaarad shixnad gargaar sidday oo ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Bardaale, 5 qof ayaa ku dhintay shilkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]