4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Carruur barakacayaal ah oo ku dhintay darbi kusoo dumay xilli ay roob ka gabaadsanayeen, duleedka Muqdisho
 

Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - 4 Carruur ah ayaa ku dhimatay xerada barakacayaasha ee Malable oo ku taalla deegaanka Garas baalley ee duleedka Muqdisho , kadib markii uu kusoo dumay darbi ay ka gabaadsanayeen roobab xooggan oo ka da’ay Gobolka Banaadir iyo duleedkiisa.

Afarta carruurta ah seddex kamid ah  waxay ahaayeen gabdho , halka kan kalena uu wiil ahaa. Halka sidoo kale ay ku dhaawacantay mid kamid ah hooyooyinka dhalay ilmaha geeriyooday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa waxay usoo gurmadeen qoysaska dhibaatada gaartay iyagoo bur-burka darbigaasi kasoo saaray meydka ilmahii carruurtii ku hoos jirtay. Iyagoo kadibna aasay.

Qoysaska ku jira xerooyinka barakacayaasha ah ee dalka ayaa waxay ku noolyihiin xaalad adag oo dhinaca nolosha ah , sida hooy la’aan iyo cunno yari xooggan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]