4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2020
Kenya oo Xirtay laba qof oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weeraro argagixiso
 

Talaado, Luulyo 14, 2020 (HOL) - Booliska Kenya ayaa qabtay laba qofood oo loo maleynayo inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah garoonka diyaaradaha ee gobolka Rift Valley ee dalkaas.

Sida laga soo xigtay wargayska Daily Nation ee maxalliga ah, labada nin mid kamid ah waxaa la sheegay inuu yahay muwaadin ajnabiya oo lagu qabtay meel u dhaw garoonka caalamiga ah ee Eldoret galabnimadii Sabtida.

Waaxda Baarista Dambiyada ayaa sheegtay in howl-wadeennada sirdoonku ay soo heleen walxaha qarxa, xargaha fiilooyinka iyo agabyo kale oo qaraxyada fududeeya.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in ay socdaan baaritaano.

Kenya waxaa ka dhacay dhowr weerarro argaggixiso 10 sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo intooda badan ay sheegteen kooxda al-Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]