4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 13, 2020
Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa oo ka badbaaday qarax lagula eegtay Muqdisho
 

Isniin, Luulyo 13, 2020 (HOL) - Faah-faahin dheeraad  ah ayaa kasoo baxaysa qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray taliyaha ciidamada xoogga ee dowladda Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo marayay meel u dhow Cisbitaalka Ciidamada dowladda.

Wararka laga helayo Goobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay HOL u sheegeen , in inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen haweeney rayid aheyd oo mareysay halka uu qaraxa ka dhacay iyo qofkii waday gaariga is qarxiyay.

Taliyaha Ciidamada Militariga ah ee Soomaaliya Janaraal Odowaa oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Af-ka Dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu qeexay in bartilmaameedka uu isaga ahaa, balse uu badbaaday. Waxa uu intaa ku daray in Ilaalada isaga la socotay oo aad u feejigneyd ay gaariga is-qarxiyay rasaaseeyeen, sidaasna uu khasaaraha ku yaraaday.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]