4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 13, 2020
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo mar kale ku celiyay in ay ardayda Puntland helidoonin wax shahaado ah
 

Isniin, Luulyo 13, 2020 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay inuu soo dhamaaday calaaqaadkii dhinaca waxbarashada ee kala dhexeeyay Puntland, kadib markii uu ku eedeeyay inay diideen in ay qeyb ka ahaadaan imtixaanka shahaadiga.

Wasiirka ayaa mar kale ku celiyay in aysan wax shahaado ah siindoonin ardayda reer Puntland sidoo kale aqoonsanayn natiijada imtixaaankii lagu qaaday Puntland.

” Anaga weli waxaan qabnaa mab da’ii ahaa imtixaankaan shahaadiga waxay masuuliyad ka saaran tahay dowladda federalka, waxaan shahaado siinaynaa cid kasta oo kasoo qeyb gasha. Marnaba ma siinayno cid aan ka qeyb galin,” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada.

Goodax ayaa tilmaamay inay soo dhamaatay waan waantii sanadkii hore la waday ayna Puntland ku guul daraysatay inay ka qeyb gasho imtixaanka midaysan ee dowladda Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay ardayda Puntland in ay lumiyeen fursadii ay shahaado ku heli lahaayeen.

Wasiirka waxbarashada oo la weydiiyay inay siyaasadayeen arrimaha waxbarashada, ayaa ku jawaabay,” Anaga haddii naloo sheego sabab uu arday Puntland ah oo aan ka qeyb galin imtixaanka lagu siin karo shahaado, haddaan garqaadanayaa.

Puntland ayaa dhawaan qaaday imtixaankeedii shahaadiga oo maalmo ka hor soo gabagaboobay, waxaana ka qeyb galay in ka badan 16,000 oo arday.

Sanadki hore ayay ahayd markii sidaan oo kale ay dhacday, hase ahaatee waan waan la galay ayaa lagu dhameeyay in wasaaraddu fasaxdo shahaadada ardayda Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]