4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 13, 2020
Puntland oo magacowday guddi diyaariya aas loo sameynayo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore Puntland
 

Isniin, Luulyo 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi heer wasiir iyo heer maamul u magacaabay aas Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Labada marxuum oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga ayaa lagu aasidoonaa magaalada Garowe  ee caasimadda Puntland, sida ay isku afgarteen qoysaskooda iyo maamul goboleedka Puntland

Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah:-

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
6. Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
7. Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
8. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
9. Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin)

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]