4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Sudan: Isbeddel lagu sameeyay xeerarkii Islaamiga ahaa

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Dalka Suudaan ee Waqooyi-bari Afrika ayaa soddon sanno ka dib is beddel ku sameeyay xeerka ciqaabta, sida ay xaqiijisay wasaaradda cadaaladda dalkaas.

Xeerarkan cusub oo toddobaadkii hore la ansixiyay waxa ka mid ah in aanay qofka dumar ahi ogolaansho uga baahnayn ragga ehelkeeda ah si ay carruurteeda safar ugu kaxayso. Waxaa sidoo kale la mamnuucay gudniinka fircooniga ah.

Qodobbada kale ee ku jira xeerarkan waxaa uu yahay in dadka aan Muslimiinta ahayn loo ogolyahay khamriga iyo sidoo kale in la laalay ciqaabtii ridada iyo in dadka lagu karbaasho fagaare.

Wasiirka caddaaladda Naasirudiin Cabdul Baari ayaa xaqiijiyay maamulka inuu baabi'inayo wax uu ku sheegay 'dhammaan xeerarka xad gudubka ku ah xuquuqda aadanaha'.

Is beddeladan waxaa ay Suudaan ka dhacayaan, ka dib markii sannadkii hore xilka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer dalkaa xukumayay ee Cumar Al-Bashiir.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]