4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2020
Odoyaal dhaqameed kasoo jeeda Gaalkacyo oo eedeyn usoo jeediyay maamulka Puntland

Axad, Luulyo 12, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah odoyaasha iyo wax-garadka kasoo jeedo Gobolka Mudug , gaar ahaan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay dhaliil usoo jeediyeen Maamulka Puntland, iyagoo ku eedeeyay in fasiraad qaldan ay ciidamada ammaanka ka bixiyeen , sidii uu ku bilowday dagaalkii shalay ka dhacay xaafaddaas ee u dhexeeyay maleeshiyo hubeysan oo ah dadka deggan xaafaddaas iyo laammaha nabad-gelyada .

Odoyaasha dhaqanka mid kamid ah beelaha dega waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxay tilmaameen in dagaalka uu ahaa mid si toos ah iyaga loogusoo qaaday, ciidamada ammaanka Puntland-na ay ku xad-gudbeen dad rayid ah.

Nabdoon Bashiir Carab oo kamid ah Odoyaasha kulanka kasoo qeyb-galay ayaa waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in maamulka Puntland uu beeshaasi si gaar ah ugu xad-gudnay laba jeer oo kala duwan.

“Dagaalkii ka dhacay xaafadda Garsoor wuxuu daba-socdaa 2011-kii dagaalkii ahaa naloogu weeraray Alshabaabnimo, maantana dowladdu waxay ugu magac bixisay cabtooy iyo dadka qamroolayaashaa, waxaad mooddaa labadaas hadal iney is-xoojinayaan, waxaan Umadda oo dhan u sheegeynaa in arrintaasi si khalad ah loo waajahay” ayuu yiri Nabadoon Bashiir Carab oo ay hareer taaganaayeen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka ee xaafadda Garsoor.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu tilmaamay in Shacabka ku nool xaafadda Garsoor iyo magaalada Goldogob lagu dhibaateeyay maamulkii iyo nidaamkii ay wax ku lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa waxay odoyaashaan ugu baaqeen inuu dib uga laabto hadalkii horay ugasoo baxay ee ku saabsanaa dagaalkii ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.
Habeen hore ayaa waxa uu dagaalka odoyaashan ay ka hadlayeen ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Geesta kale Hiiraan Online oo isku day –day iney hesho maamulka Puntalnd Ayaan u suura-gelin, si ay uga hadlaan cabashada ka timid dhaqanka xaafadda Garsoor ee Gaalkayo qaar ay usoo jeediyeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]